fb

Dhibaatooyinka Ka Dhasha Guurka Dhex Mara Ragga Qurbaha Iyo Dumarka Hamuunta Dhoof Qaba.

Published: January 16, 2013, 1:47 pm

Hadaan in yar dib ugu noqodo dhaqankii  iyo hidihii ay dumarka somalidu lahaan jireen,waxa lagu tilmaami jiray in gabdhaha somaalidu ay ahaan jireen kuwa ugu dhaqanka wanaagsan marka laga hadlayo guurka caalamka. Hadaba akhriste mudooyinkii ama sanadihii ugu danbeeyay waxa isbedelay weyni ku yimid qaabkii ay isku guursan jireen ama isku xulan jireen dhalinyarada somalidu.

Waxan hadaba jeclaan lahaa in aan qormadan kusoo qaado guur la’aanta wiilasha somalida ee jooga gudaha dhulka somaaludu degto iyo  gabdhaha somalida ee jooga isla dalka hooyo balse u hanqal taagaya in ay guursadaan ragga qurba jooga ah.

hadii aad arintan mudo kooban u kuur gasho waxaad deg deg u ogaanaysaa  in hablaha somaliyeed ee guurdoonka ahi ay wakhti badan ku lumiyaan sidii ay mar uun  nolosha ula qabsan lahaayeen ragga qurba jooga ah iyaga oo muhiimka saaraya sidii ay u tagi lahaayeen qurbaha.

Waxa hubaal ah in dhalinta somaalidu isku xulan jirtay jacayl dhexmara labada qof ee nolosha qaybsanaya, qoyska labada lamaane ka soo kala jeedaan  in labada qof ee is guursanayaa ay mudo dheer kulmi jireen si uu midba midka kale uu u barto dhaqankiisa  dabeecadiisa u gaar ka ah iyo sida uu nolosha u maareeyo.

Laakiin guurka maanta ee qurba joogta  gabdhaha xiligan joogta degmada soomaalida ee geeska Africa  ma eegaan xeerarkii hore loo raaci jiray ee aynu kor ku soo xusnay, hablaha geeska Africa jooga intooda badani marka la yidhaahdo heblaayo waxa ku doonaya in uu ku guursado nin qurbaha ku nool, su’aalaha ay ninka gabdhaha la soo doonay ay ninka weydiisa waxay tahay ninkaasi qurba joog passport ma leeyahay,wadanka u joogaa lacag badan ma leeyahay  ma ii kaxay karaa halka uu ku nool yahay Haday tahay America ama Europe.

Gabdhaahaasi hadba waxay si fudud u ogolaataa guurka ninka qurba jooga ah iyada oo aan eegin ama aan jawaab u helin Su’aalaha kala ah nin ku waa nin noocee ah? dhaqankiisu muxuu yahay?  Nolosha ma la wadaagi  kartaa? Ma yahay nin xaas hore guursaday? Diintiisu waa noocee? Iyo Su’aalo badan oo dhamaan tood u baahan in laga jawaabo.

Guurka noocaas u dhacaa inta abdan waxa la tilmaamaa in uu ku dhamaado fashilaad  isfaham la’aan iyo burbur.  Dhibaatada noocan ah waxa iyagna qaba ragga jooga gayiga soomaalidu degto oo qudhoodu aad u daneeya in ay guursadaan gabadh qurbaha joogta si ayaatiinkiisa danbe uu u noqdo nin qurbe ku nool ah isaga oo rajo ka qaba in gabadhu u fududayso arimaha dhoofka la xidhiidha.

Hadaba hadii arinta noocan ahi kasii jirto dhulka soomaalida waxa aan shaki ku jirin in uu meesha  ka baxayo gabi ahaanba hab dhaqankii guurka Soomaalidu, iyada oo cidii lacag haysata maaha e cidii faro madhani aanay guur hawaysan doonin ilaa cid Alle la doono maahee.


HADAAD ISTICMAASHO FACEBOOK HALKAAN KU REEB FIKIRKAAGA

Comments are closed.