fb

DHACDO YAAB LEH: Nin maalin waliba harsada Qabriga ay ku aasantahay Xaaskiisa !!

Published: January 18, 2013, 12:28 pm

Bishaar Xusni waxa uu u dhashay Dalka Masar waxa uuna iminka kunool yahay Tuulo kutaala dalka Nageria, Sida aan ku helnay Qaab qoraalka Sanad kahor Bishaar Xusni Xaaskiisa oo lagu magacaabo Riyaan Najaad ayaa ku geeriyootay Dalkaasi Nageria

Bishaar waxa uu maalin waliba u Nasitaan ama u Harsasha doonta halka ay Xaaskiisa ku aasantahay isaga oo isku hardha waxyaaba ‘’biriq-biriq ah’’ waxa uuna niyadda gishtaa in Xaaskiisa Riyaan uu hawada kala saan-qaadayo ama kala sheekeysanaayo

Dadka Tuuladaasi kunool oo iyagu ah kuwa aan sidaa u garaneynin magaala jooga ayaa maalin Su’aalay Bishaar Hayeeshe waxa uu dagaal siiyay Ehelkii Su’aasha weydiiyay oo iyagu ku ag noola halka ay ku aasantahay Riyaan

Bishaar waxa uu had iyo jeeral Barakeysan jiray Qabriga Xaaskiisa isaga oona ku hardhay Dhaqaxa qabriga ubaxyo muuqaal qurxoon, Muddo kadib marka uu adkeysan waayay waxa uu isku dayay Bishaar in Xaaskiisa oo dhimatay kala soo dhex baxo Qabriga waxa uuna Bilaabay inuu u tafa xeyto Faagida qabriga Nasiib daro uma aysan suura galin Bishaar inuu helo muuqaalka rasmiga ah ee Riyaan Balse waxa uu weheshan jiray Jir qal-foof ah oo muuqaal naxdin leh isku bedelay

3b69dd3a8d068dd3cf259dca4edab94d_w576_h0

sa

Bishaar waxa uu noqday Ruux ama shaqsi layaab ku noqday Muwaadiniinta u dhashay Dalkaasi Nageria waxaana laga siidaayay Warbaahinta Gudaha wareysigiisa, waxaa laga qoray Buug waxaana maal-galshay Shirkadaha dalkaasi gaar ahaan kuwa isgaarsiinta ah

7-Bil kadib waxaa xanuunsaday Bishaar oo ahaa muwaadin Masar u dhashay waxaa la dhigay Ispital waxa uu xanuun-sanaa muddo 3-Saddax bil ah Qadar alle waxaa dhacday inuu u geeriyoodo xanuunadii uu ka qaaday Geerida naxdinta lahayd oo ku imaaday Xaaskiisa

Ugu dambeyn Bishaar waxaa lagu aasay meel aan sidaa uga fogeyn Qabriga Xaaskiisa waxaana loo dhisay taalo qurux badan oo cajiib galisay Lamaanaha dalkaasi kunool Hayeeshe masuura galin Aadane isku dayay inuu buuxiyo Booska Marxuum Bishaar iyo Riyaan balse waxaa isku dayay inay arin noocaasi ah ay sameeyan Boqolaal qof mana dhicin inay gaaran heer Qabri la harsado


HADAAD ISTICMAASHO FACEBOOK HALKAAN KU REEB FIKIRKAAGA

Comments are closed.