fb

Daawo Cusub oo Qofka Lafdhabarka ka Curyaama u Saamaxaysa inuu Cagihiisa ku Socdo.

Published: January 13, 2013, 12:56 pm

Saynisyahanno u dhashay dalka Maraykanka, ayaa sheegay inay soo saareen kiniin dadka lafdhabarta ka curyaama u saamaxaya inay lugahooda ku istagaan, isla markaana ku dhaqaaqaan.

Daawadan cusub oo khubaradu ku tijaabiyeen jiir cagaha ka curyaamay, kaas oo markii daawada la siiyey ay u suurtogasho inuu lugihiisa ku socdo oo uu lugeeyo.

Saynisyahannadu waxay intaa ku dareen intaa ku dareen in aanay dawadooda cusub wax sun ah amma dhiba ku keenin jiirka ay ku tijaabiyeen, balse sidii qorshahoodu ahaa si weyn wax ugu tartay.

Kiniinkan cusub ayaa sidoo kale khubaradu sheegeen inuu u gudbayo maskaxda si uu u difaaco unugyada dareenka ee badhtamaha maskaxda, kana hortagayo walxaha kiimikada ah ee soo raaca dhiigga.

Waa markii ugu horreysay ee daawo afka laga qaado lagu tilmaamo inay daawaynayso dhaawacyada soo gaadha lafdhabarta isku xidha unugyada dareenka, si toos ahna uga qaybqaadata shaqooyina maskaxdu diryaso.

Prof. Sung Ok Yoon oo macallin ka ah Jaamacadda Ohio State University ee dalka Maraykanka oo arrintan ka hadlayey ayaa yidhi; ?Waa markii ugu horreysay ee daawo afka laga qadanaayo loo helay dadka curyaamiinta ah, waa daawo ka faa?iido badan duugista loo sameeyo laf-dhabarta amma cagaha qofka wax ka noqda.?

Daawadan waxa ku dahaadhan maaddo la yidhaa oligodendrocytes, taasoo hoos u dhigta shaqada booratiinnada loo yaqaan p75, kuwaasoo Prof. Yoon sheegay inay masuul ka yihiin dilista unugyada lafdhabarta markay wax noqoto, kadibna joojiyaan shaqadii ay hayeen unugyada neerfisyada ka mid ah sida unugga Axon.

Daawadan tijaabada ku jirta oo loo bixiyey LM11A-31, waxa si toos ah u horumariyey, isla markaana soo saaray Prof. Frank Longo oo ka tirsan Jaamacadda Standford University oo ku taal Gobolka California, waxana darasaddan lagu daabacay wargeyska la yidhaa Neurosceince oo Maraykanka ka soo baxa.

Ibraahim Khadar Saciid


HADAAD ISTICMAASHO FACEBOOK HALKAAN KU REEB FIKIRKAAGA

Comments are closed.