fb

100-Milyan Oo Hinduism Ah Oo Maanta Magaalada Allahabad Uu Uga Bilaabmay Xajkooda Wabiga Danbiga Lagu Maydho Ay U Rumaysan Yihiin Daawo Sawiro + Video.

Published: January 16, 2013, 1:49 pm

Kumayaal dadka Hinduism-ka loo yaqaano ee dalka Hindiya ah ayaa isugu tagay wabiga, loogu yeedho Kumbh Mela kicks ee degaanka Gangs kaas oo ah mid ay aaminsan yihiin dadka aaminsan diinta Hinduism, in ay isaga maydhayaan danbiyadii ay sanadka oo dhan soo galeen.

 

Xus diimeedkan oo bilaabmay salaasadii maanta waxa la isaga kala yimaadaa meelo kala duwan oo dalkaas iyo daafaha dunida ay kaga nool yihiin dadka Hinduism, ah kuwaas oo dadka badankoodu xitaa socod dheer oo lug ah u soo galaan sidii ay wabigaas u soo gaadhi lahaayeen.

Sida caadada dadkaasi tahay waxa xaflad diimeedkaasi ka bilaabantaa magaalada Allahabad ka dibna waxa la galaa wabiga kaas oo lagu furo, xus balaadhan oo afka degaanka loogu yeedho, [Kumbh Mela], taas oo macnaheedu yahay, Mahrajaankii Great Flask Festival.

 

Xaj diimeedkan dadka Hinduuga ah ee ka dhaca degaankaas oo tobankii sanadoodba si balaadhan mar loo qabto waxa lagu wadaa in ilaa boqol milyan ka qayb galaan, waxaanu socon doonaa muddo toban cisho ah oo shanba dhinac isku raacayso.

Waa kulan diimeedyada ugu balaadhan dunida waxaana la qabtaa uun tobankii sanadood ba mar oo si wayn dadka taabacsan diintaasi uga soo wada qayb galaan, waxaanu dhamaantii yahay mid u badan mahrajaano, maydhasho wadareed ah iyo ciyaaro iyo waliba fantasiyayaal.

Faysal Maxamed Xasan


HADAAD ISTICMAASHO FACEBOOK HALKAAN KU REEB FIKIRKAAGA

Comments are closed.